SHAN Arrimood Oo Sabab U Ah Hoos U Dhaca Ku Yimid Barcelona Oo Daboolka Laga Qaaday

Inkastoo ay yihiin kuwa wali kaalinta koowaad kaga jira shaxda kala sareynta ee La Liga, hadana waxaa muuqata inuu hoos udhac ku yimid qaab ciyaareedkii ay ku bilowdeen Barcelona, kaasoo ahaa guulo

Bluagrana ayaa gashay labo kulan oo xiriir ah Bareejo aan loo baahneen, waxaana ay la kala dheleen kooxaha Espanyol iyo Getafe, xili ay ka tirsanaayeen labadda horyaalka dalka Spain ee La Liga

Hadaba, Shabakadda Laacib.so ayaa waxay halkaan hoose ay kuugu soo gudbineysaa shan arrimood oo la rumeysan yahay inay sabab utahay hoos udhaca ku yimid muuqaal ciyaareedka Barcelona.

Kulamada Is-daba Jooga Ah

Tani waa sababta ugu weyn, taasoo uu xitaa ku sharaxeen Maamulaha Barcelona ee Ernesto Valverde iyo Sergio Busquets [Waxay dheelayaan Lix Isbuuc oo kaliya 12 kulan, taasoo ka dhigan in aysan jireen wax nasiino ah]

Messi Iyo Suarez

Barcelona ayaa waxay weerar yahaneeda ay ka yimaadaan Koonfurta Ameerika, laakiin midkoodna ma uusan dhalin wax gool ah Labadii kulan ee udambeysay, waana markii ugu horeysay tan iyo bilowdii xagaagan.

Paulinho Iyo Gooldhaliyaasha Kale

Xidigaan reer Brazil ayaa si fiican ula shaqeeyay Valverde balse waa uu lasoo daahay – Paulinho, waa xidiga saddexaad ee ugu gooldhalinta badan Xagaagan Barca, laakiin ma uusan gaarin shabaqa 8 kulan ee lasoo dhaafay.

Qeybta Labaad

Inta lagu guda jira xagaaga Barcelona, waxay inta badan goolasha ay dhalinayeen qeybta labaad ee kulanka, laakiin dhawaanahaan ma aysan dhicin, ciyaarii ay Espanyol ayay sameeyeen markaasoo uu Pique udhaliyay.

Saxiixyadda Cusub Oo Lugtooda U Baahan

Coutinho iyo Dembele, kuma socdaa si xawaare leh – inkastoo midka kale, uu dhaliyay kulankii Valencia, hadana muuqala ciyaareedkiisa horumarin ayuu ubaahan yahay halka Dembele uu isana waqti ay qaadaneyso soo laabashadiisa.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close