Shaqsiga Ay Jamaahiirta Arsenal Ay Ku Eedeyn Doonaa Bixitaanka Sanchez Oo Lasoo Bandhigay

Hadii ay dhacdo in Sanchez uu ku biiro Man United saacadaha ama maalmaha soo aadan, waxay taageerayaasha Arsenal faraqa ay uga dhegi doonaa Maamulahooda Arsena Wenger, sida ay sheegeyso Shabakada Sky Sport.

Jariiradaan ayaa rumeysan in Wenger uu ku guul dareystay inuu Sanchez ku hanto xarunta tababarka Kalsoonida wiilkaan.

Sanchez ayaa waxay saadaasha ubadan tahay inuu aadi doono Manchester United, halkaasoo ay wararku sheegayaa inuu heshiisba uu la galay kooxda Old Trafford ku dheesha.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Sanchez, uu ka qaadan doono kooxda Red Devils aduun lacageed dhan 500,000 kun Malyuun oo mushaar ah, Isbuucii, kaaso ka dhigeysa xidiga ugu mushaarka badan kubada cagta UK.

Sky Sport ayaa sheegeysa in Wenger uu marar badan isku deyay inuu Sanchez ku qanciyo xarunta tababarka, laakiin uu taasi uu ka diidey.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close