Shaxda uu Macalin Zidane u diyaarsaday in uu kaga Hortago PSG Caawa

Cayaarta ugu adag ee kooxda Real Madrid xili cayaareedkan soo martay, waxay dhacaysaa caawa taas oo dhinac walba oo laga eego ka weyn, kana saamayn badan kulanka dunidu aadka u xiisayso ee El Clasico ee Barcelona iyo Real Madrid.

Macalin Zidane waxa uu qorsheeyey in cayaartan oo muhiimad weyn u leh mustaqbalkiisa iyo sharafta Real Madrid, ayaa waxa uu hore usii shaaciyey inuu garanayo shaxda rasmiga ah ee uu kala hor tegayo kooxda PSG, taas oo kusoo booqanaysa garoonka Santiago Bernabeu caawa.

Real Madrid shaxdeeda rasmiga ah, waxa kala dhantaalay ganaax ku dhacay Dani Carvajal, kaas oo kulankan ku seegaya markii uu si badheedh ah kaadh ugu qaatay cayaartii 3aad ee hormooyinka, taas oo lagu abaalmariyey inuu cayaar labaad ganaax ku seego.

Tani waxay khasab kaga dhigaysaa Zidane inuu booska midig ka cayaarsiiyo Nacho, taas oo keenaysa in uu garoonka kusoo galo sidan: Keylor Navas; Nacho, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric; Gareth Bale, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.

Arrinta xiisaha leh waxay tahay in shaxdani aanay marnaba fursad isku helin xili cayaareedkan, isla markaana aanay garoonka iskugu iman, waxa kursiga kaydka fadhiyi doona Isco, Lucas Vazquez, Marco Asensio iyo Mateo Kovacis oo kaabis u ahaanaya xiddigaha garoonka ku jira.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close