Sheeko Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Diego Costa, Dagaalka Ma Haduu Lasoo Baxay Mise Waa Uu Ku Dhashay!

Xiddiga Kooxda Kubadda Cagta Chelsea Diego Costa ayaa waxa uu kooxdiisa usuura giliyay inay jaabka gishato Horyaalka wadanka Ingiriiska waxa uuna kamid ahaa Xiddigaha ugu muhiimsan ee Tababare Antonio Conte Xagaagan.

Weeraryahan Costa ayaa waxa uu caan ku yahay inuu la dagaallo Xiddigaha ay garoonka ay ku wada jiraan waxaana arintaas ka hadlay nin macalin usoo ahaan jiray Costa xilligii uu ahaa mid aad uda’yar.

Ninkaan oo wareysi Xasaasi ah siiyay Majaladda Goal.com, ayaa waxa uu sheegay in Costa ay kamid tahay Dabeecadiisa inuu la dagaallo Xiddig waliba oo garoonka kula jira, waxa uuna sheegay inuu dilli jiray Xiddigaha waagii maamulaha u ahaa.

Paulo Sergio Moura oo ahaa Madaxweynahii Kooxdii ugu horeysay ee uu kamid noqdo Cota oo lagu magacaabo  Barcelona Capela, ayaa daboolka ka qaaday in xiddigaan ay Dabeecadahaan ay ku yaqaanan.

“Cajiib, Waxa uu cadow ku ahaa xiddig waliba oo ka tirsan kooxdeen, taasi waxa ay aheyd Mushlikada haysata markaas, waa uu dilli jjiray Cunug waliba oo kooxda ka mid ah, waxa uu ahaa Cuqdad low,” ayuu sheegay Mr Moura.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close