Home » Africa » Shibis oo guulasatay iyo Shangaani oo guuldaradii labaad lakulantay

Shibis oo guulasatay iyo Shangaani oo guuldaradii labaad lakulantay

Kooxaha Shangaani iyo Shibis ayaa galabta ku Ciyaaray garooka Banaadir Stadium,Labada Kooxood oo ku jiraan Group A ayaa kulan aad u xiiso badan oo ay kasoo qayb galeen dad wayne aad u faran oo kala taageerayay labada Degmo ayaa qaybtii hore ee dheesha lagu kala Nastay 1-0 oo ay ku hor kacayso Degmada Shibis,Qaytii labaad ee Kulanka Markii laysku soo laabtay laacibiinta Degmada Shibis ayaa helay gool taas oo ka dhigtay in Ciyaarta ay 2-0 kusoo dhamaatay, xilli kulankaan kii ka horeeyay Degmada Shangaani looga adkaaday 3-1 markaas oo ay la Ciyaartay Degmada Boondhere.


Sidoo kale kulan ka tirsan Group-ka B ayaa waxaa wada Ciyaaray Degmoyinka H/ Wadaag iyo Dharkenley iyadoo kulankan uu kusoo dhamaaday Bar-baro goolal la,aan ah 0-0.
Labada Kooxood ayaa hore usoo Ciyaaray min hal kulan, iyadoo Kooxda Degmada H/ Wadaag 1 -3 loga adkaaday markii ay la Ciyaartay Dhigeeda Degmada Hiliwa, halka Degmada Dharkenley ay bar baro 2-2 ay la gashay dhigeeda Xamar Weyne, balse kulan oo laba Kooxood u baahnaayee guulo ayay ku kala bexeen bar baro 0-0.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*