Simeone Oo Fariin Cagajugleen Ah U Soo Diray Conte Ka Hor Kulanka Caawa Ee Champion-ka

Maamulaha kooxda ka dhisan caasimada wadanka Spain ee Atletico De Madrid, ninka lagu magacaabo Diego Simeone, ayaa waxa uu wacad ku maray in caawa aysan usoo geli doonin garoonka inay dheleen kulan caadi ah, balse ay guul doonayaa.

Waxa uu daboolka ka qaaday in natiijadii 2-1, oo ay kusoo badiay Blues, kulankii ka dhacay garoonka Atletico ay ka barteen cashiro badan, islamarkaana uu doonayo inuu taasi kusoo duulaan tago, ayna laba cad ay ka dhigeen kooxda Galbeedka London, ka dhisan.

Isagoo kulankaan ka hor lahadlayay wariyaasha, ayaa waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay soo qaataan guul, si buu yiri, aan usii joogno tartanka Champions League, oo uu ku sifeeyay inuu yahay mid saameyn gooni leh, marka ay dheelayaan kooxaha.

Waxa uu yiri: “Wax qiimo ah ma siin doono, inaan dhageysano, Raadiyaasha iyo inaan daawano Talefishinada, hadafkeena, waxa uu yahay inaan badino, oo aan guul kasoo gaarno Blues, waxaana usoconayaa sidii aan isii joogi lahayd halkaan [Champions League]

“Waan ognahay inay ku xiran tahay natiijadeena kulankaan, waxaana fileynaa inay soo baxaan wax uwanaagsan inaga, waxaaan ognahay inaan dheelno kulan uu xiran tahay sii joogitaankeena Champions League, waxaana dooneynaa inaan guuleysano, inagoo ka tixraaceyna kulamadii horey,” ayuu sii daba dhigay.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close