Home » England » Sir Alex Ferguson Oo Markale Kusoo Noqon Doona Shaqada tababare ee Manchester United,Sabab?

Sir Alex Ferguson Oo Markale Kusoo Noqon Doona Shaqada tababare ee Manchester United,Sabab?

Waayeel Sir Alex ayaa kaliyah hal kulan hogaamin doono Kooxda Manchester United kulankaas oo Michael Carrick lagu sagootin doono. Kulankaan ayaa waxaa uu dhaxmari doonaa Koox la soo xulay oo uu hogaamin doono Harry Redknapp oo ah ahaa macalinkii hore ee Carrick iyo xiddigihii Manchester United 2008-dii u qaaday Champions League.

Macalinka 75 sano jirka ah ayaa qaaday 38 koob intuu ku sugnaa garoonka Old Trafford ka hor intuusan ka fariisan 2013-kii markaas uu Kooxda United farta ka saaray horyaalkii 20-aad. Halyeeyga reer Scotland ayaa wali ka qeyb ah Kooxda asiga oo markaan ah Safiir isla markaasna si caadi ah uga qeyb ah daawashada ciyaaraha Kooxda.

Ciyaartooyda Giggs, Evra, Scholes iyo Rio Ferdinand ayaa xaqiijiye inay ciyaari doonaan balse wali lama oga Cristiano Ronaldo inuu ka qeyb gali doono kaas oo ka mid ahaa laacibiinta ugu saameeynta badnaa Kooxda sanadkaas hadana waxaa uu Kooxda ka tagay 2009-kii markaas uu Ronaldo ku biiray Real Madrid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*