Soomaali ayaa qayb ka ahayd dabaal degii Garoonka Wembley koobka Arsenal ka Qaday chelsea.

Mid ka mid ah dadka Soomaalida ah ee sida Waalida ah u taageera kooxda Arsenal ayaa bartyiisa Twitter-ka soo dhigay Sawir isaga oo kusugan Garoonka Wembley kuna faraxsan Guusha ay Gaartay kooxda Arsenal.

wiilkan oo lagu Magacaabo Jamaal Cusmaan ayaa ka mid ahaa Kumanaankii Taageerayaasha Arsenal ee ku sugnaa Garoonka weyn ee Wembley Waxa uuna sida idiin muuqata Farhiisa ku tilmaamaya Natiijada Cayaarta isaga oo weliba siweyn u faraxsan.

Kooxda Arsenal ayaa lagu Tilmaamaa Naadiga ugu badan ee ay Taageeraan dadka qaarada Africa Soomaali aad u badan ayaana ka mid ah Taageerayaasheeda kuwaas oo uu kujiro Xidiga orodyahanka ah ee Mo Farah.

Jamaal Cusmaan ayaa hadal Gaaban oo uu soo raaciyey Sawirkiisa waxa uu u qoray waxaan kusuganahay Garoonka Wembley Waxaan daawanayaa Chelsea iyo Arsenal waana markii iigu horeysey ee aan helo Natiijo aan ku farxo Xili Cayaareedkaan oo dhan.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close