Spanish Super Cup: Garsooryaasha Kulanka Ugu Soo Horeeya Barca Iyo Real Oo La Shaaciyay

Garsooraha caanka ah ee Ricardo De Burgos Bengoetxea ayaa waxaa loo xil saaray inuu maamulle ka noqdo kulanka ugu soo horeeya ee Koobka Spanish Super Cup, oo ay wadda dheelayaan Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona.

Kulankaan oo dhacaya marka ay Tariikhdu, soo dul istaagto August 13-da, ayaa wuxuu ka dhacayaa garoonka kooxda Barca, ee Camp Nou, iyadoona kulanka labaad oo qabsoomayo seddax maalin kadib wuxuuna ka dhacayaa Madrid.

Lugta Labaad ee Koobkaan ayaa waxaa dhaxdhaxaadin doona garsooraha caanka ah ee Jose Maria Sanchez Martinez, iydoona ninkaa oo dhashay March 16 1986, wuxuuna ku dhashay Magaalladda Bilbao, ee dalkaaas Spain.

Ka hor inta aysan wajahin labadaan Kooxood ayaa waxaa ay isku soo arki doonaan dalkaas Mareykanka, marka ay Taariikhu noqoto July 30-keeda, wuxuuna kulankaas ka tirsanaan doonaan Koobka International Champions.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close