The Sun Oo Ogaatay Labo Shardi Oo Luis Enrique Uu Ku Xiray Si Uu Macalin Ugu Noqdo Chelsea

Wargeysha The Sun, ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa warinaya in Luis Enrique uu ku dhow yahay inuu macalin unoqdo Chelsea, isagoona bedali doono Antonio Conte, kaasoo la hadal hayo inuu bixi doono xagaagan.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa wuxuu yahay Bartilmaameedka ugu wanagasan ee la wareegi kara kooxda Stamford Bridge ku dheesha, waxaana la sheegayaa in ka hor la wareegista shaqadda inuu shuruud hordhigay Blues.

Shuruuradaan ayaa waxaa la rumeysan yahay in Enrique, uu ka dhigay in marka hore uu shaqada si toos ah uu ubilaabo xili ciyaareedka dambe iyo sidoo kale inuu keensaddo shaqalihii kala shaqeynayay markii uu Barca joogay.

Sida laga soo xigtay The Sun, shaqaalahaas ayaa waxay kala yihiin: Juan Carlos Unzue, Robert Moreno, Rafael Pol iyo Joaquin Valdes kuwaasoo qaarkood hada ah shaqo la’aan, halka kuwa kale ay shaqeystaan.

Unzue, ayaa wuxuu hadda yahay maamulaha naadiga Celta Vigo ee dalka Span, waxaana uu qabtay shaqadaan bilowgii xili ciyaareedkan, iyadoona aysan macquul ahayn inuu ninkaan uraaco Enrique Dhanka London.

Ka hor barbarihii 0-0 oo ay la galeen Celta Vigo dhigooda Espanyol, Unzue ayuu yiri: “Shaki kuma jiro in aanan dooneen inaan Talaabo dib uqaado, waxaana sameynayaa waxa aan doonayo, sharaf ayayna ii tahay difaacida kooxdan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close