SUUQA: Manchester City oo kafara maroojisan doonta Barcelona xiddig muhiim ah, balse waa marka uu imaada Guardiola

http://u.goal.com/2234700/

Borussia Dortmund oo u aragta iibinta Ilkay Gundogan ee Manchester City wax weyn, balse waa marka uu qabta Pep Guardiola taasoo ah xagaaga soo socda, halka Barcelona ay seegi doonta xiddigan, sida ay daabacday majalada dalka Spain ee Sport.

Naadiga ka dhisan Camp Nou ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda reer Germany kaasoo ay kala hadlayeen sidi ugu macquulsanaa ay kuheli karaan saxiixa xiddigaan, inkastoo dhowaan laga qaaday xayiraada suuqa ka saareneyd Barca – waana kuwa lasoo saxiixday Arda Turan, halka weli ay wadahadalo kula jiraan Dortmund.

Hada, waa mid lasiinaya fursad uu kula shaqeynayo Pep Guardiola kaasoo qaban doona City oo ka dhisan Premier League, Gundogan ayaa u eg mid kubiira doona naadiga kadhisan gegada Etihad Stadium, taasoo Barca qasbeysa in ay ka eegato meela kale xiddig ay ka ciyaara qadka dhexe.

Dhanka kale 25 sanno jirkaan oo dhowaan lala xiriirinay tababarihiisa hore haatana layliya Liverpool ninka ee macalin Jurgen Klopp, walow goor danbe uu noqday mid hoos udhiga wararka laisla dhex maraya ee ku aadan Ilkay Gundogan iyo imansha Anfiled.

Related Articles

3 thoughts on “SUUQA: Manchester City oo kafara maroojisan doonta Barcelona xiddig muhiim ah, balse waa marka uu imaada Guardiola”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close