SUUQA:Abramovich oo udhaqaaqay tababare qibrad badan uleh Blues-ka

http://u.goal.com/2501100/

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa ah mid raba in kooxdiisa uu keeno Claudio Ranieri si uu uqabto naadiga xlli ciyaaredka soo socda sida ay sheegtay Tuttosport.

Wararka ayaa sheegaya in macalin Ranieri kaasoo hada layliya Leicester City uusan ogeyn rabitaanka ay uheyso  kooxda Blues-ka, macalinkan reer Italy ayaa xiriir wanagsan kala dhaxeyaa Abramovich, inkastoo laga eryay kooxda Chelsea bishi May 2004.

Leicester City oo haatan fadhisa booska labaad ee horyaalka Premier League ayaa waxaa tababare u ah  Ranieri, halka Chelsea ay tahay mid rabta sida ay uga bixi laheyd qaab ciyaaredka liita ay soo bandhigtay xilli ciyaaredkan iyada oo badisay 2 kamid ah 5 kulan ee udanbeysay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Abramovich uu baadi goobaya tababare, kaasoo soo celin kara qaabki wanagsanaa ee kooxda Blues-ka lagu yaqiinay ama kasamata bixin kara naadiga xaalada uu hada ku sugan yahay, taasoo dhowaan uu dab ka dhex shidnaa qolka labiska, ka gadaal marki la ceyriyey macalin Jose Mourinho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close