Taageerayaasha Chelsea Oo Fariin Canaan Ah U Diray Diego Costa,Maxay Dhaheen?

Jamaahiirta naadiga Chelsea ayaa si buuxda ula hadlaya weerar yhanka dalka Spain Diego Costa, iyagoo u sheegaya in uu raalli geliyo Antonio Conte, sida ay qortay Daily Telegraph.

Laacibkan heerka caalami ayaa laga saaray safka kooxdiisa ee kulankii Leicester City keddib markii ay isku dhaceen Conte oo u sheegay in uu kooxda caafimaadka u tago hubiyana caafimaad qabkiisa.

Warar ayaa durba soo jeediyay in Costa uu doonayo in uu ku biiro horyaalka China, balse xiddigaha kooxdiisa ayaa u sheegay in uu raalli gelin u muujiyo macallinka.

Weeraryahankii hore ee Atletico Madrid ayaa shaaciyay in uu Toddobaadka dambe la hadli doono tababare Conte haddii uusan soo bixin war xaqiijinaya in uu safka kooxda baneynayo.

Ciyaarta oo kooxda Chelsea ay muujisay in aysan baahi u qabin Costa markii ay ku adkaatay 3-0 ayaa ka dhigneyd mid Conte ku boorrin karta in uu toos uga maarmo Costa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close