Taageerayaasha Kubada Cagta Oo 4 Xidig Uga Baahday PSG Si Ay U Hor-mariyaan Real

Dunida oo dhan waxay ka war-qabtaan in weerar yahanadda Real Madrid aysan hor-istaagi karin kuwa Paris Saint-Germain, kuwaasoo kala ah: Kylian Mbappe, Edinson Cavani iyo Neymar, Akhristayaasha Majaladda MARCA ee dalka Spain kuwaasoo codeyn loo qabtay ayaa waxay soo xusheen shax isku dhaf ah, taasoo kaliya afar ciyaaryahano ay kasoo qaateen PSG, si ay uxooganaato Real Madrid.

Inkastoo ay soo qaateen saddex weerar yahan ee PSG, hadana xubinta kaliya oo ay kusoo dareen Madrid ayaa wuxuu noday daafaca dambeedka midig ee reer Brazil, wiilka lagu magacaabo Dani Alves.

Codeynta oo taageerayaasha lagu weydiiyay inay soo xusheen ciyaartoyda kan ku boosk ah  bedali kara iyo kan ugu weyn ee la arkay ayaa Cavani wuxuu ku garaacay Benzema 90% halka Marcelo uu  88% kaga badiyay Yuri Berchiche.

Kan ugu yar ee kulankaan la arki karo ayaa wuxuu Raphael Varane kaga saramay Marquinhos 48 boqolkiiba kaasoo 42 boqolkiiba la yimid, waxaana 10 boqolkiiba aysan awoodin inay kala doortaan labadaan xidig.

Sikastaba, kooxaha Real Madrid iyo PSG ayaa waxay isaga hor imaan doonan Isbuuca soo aadan kulan ciyaareed aad loo wada sugayo kaasoo Champions League ka tirsan, wuxuuna yahay mid uu qof walba xiiseynayo.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close