Taageerayaasha Real Madrid oo si xun baraha bulshada ugu bahdilay Cristiano Ronaldo.

Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Villarreal  kulan  horyaalka La Liga, waxeyna aheyd guuldaradii 4-aad ee soo gaartay kulamada horyaalka, sidoo kalana waa midii sadexaad ee kusoo gaartay Santiago Bernabeu.

Naadiga Los Blancos dhibaatada xun ayaa heysata xilli cayaareedkaan, madama ay 16-dhibcood ka dambeeyaan kooxda ay sida weyn ugu xifaaltamaan ee Barcelona, sidaas darteed qof walba wuxuu tuhmayaa iney eeda cid gaar ah leedahay.

Taageerayasha  kooxda Real Madrid qaarkood ayaa aaminsan in Cristiano Ronaldo uu yahay dhibka ugu weyn ee kooxda sidaas darteed la iska diro ugu yaraan ama kooxda laga reebo.

“Cristiano Ronaldo waa ka dhamaatay, waa taariikh, waana rakaab” ayuu soo qoray Makaveli qof ku isticmaala twitter-ka.

Makaveli
@NunoPortez
Cristiano Ronaldo is finished,he is history ,he is a passenger

“Caqli ahaan sanadkaan wuxuu noqon doonaa midkii Ronaldo uu iska weyn lahaa musharaxiinta Ballon d’Or ama uu baab’i lahaa” ayuu soo qoray ZED.

Zed
@CBK_LG
This could actually be the year Ronaldo slips out of the Balon Dor nominations and fades out

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close