Tababaraha Liverpool Oo Taageerayaasha Kala Hadlay Xaalka Sturridge

Leyliyaha kooxda kubadda cagta Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in aysan badneyn cabsida jamaahiirta kooxdu ka qabi karaan dhaawaca Daniel Sturridge markii laacibka laga saaray 10-kii daqiiqo ee u dambeysay ciyaartii 2-2 Premier League ay ku garab dhaceen Sunderland.

Sturridge ayaa sanado kooxda Reds uga maqnaa dhaawacyo, balse macallinku hadda wuxuu sheegayaa in uusan xaalku sidii waayadaas noqon doonin markan.

Wuxuu markii koobaad kusoo billowday tan iyo bishii October, isaga ayaana dhaliyay goolka koobaad ee Liverpool wuxuuna madaxa ku dhaliyay daqiiqadii 19aad Stadium of Light, kulan ka dhacay Jermain Defoe ayaase rigoore ku barbarreeyay 6 daqiiqo keddib.

Mar dambe Gool kale oo uu keenay Defoe oo haddana rigoore ahaa ayaa Sunderland u sahlay in ay soo celiso gool kale oo Sadio Mane uu kooxda martida ah hoggaanka ugu dhiibay, Sturridge ayaa kulanka laga saaray isaga oo hitinaya, waxaana Liverpool jamaahiirteedu ay durba dareemayeen xanuun daran oo laacibka hayay.

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close