Tababaraha Liverpool oo Talo midi ugu wanaagsaneyd siiyay xulka England, una sheegay haddii ay taladiisa Qaatan ay uhorseedi karto kuguuleysiga Euro 2016

Liverpool-v-West-Bromwich-Albion-Premier-League

Jurgen Klopp ayaa sheegay in England ay ku guuleysan karto Euro 2016, haddii kaliya uu Premier League lahaan lahaa waqti ay ciyaartoyda ku nastaan xilli qaboobaha sida horyaalada kale.

Ninka reer Jarmal ayaa la wareegay Liverpool bishii October ka dib todobo sanno uu macalin ka ahaa Borussia Dortmund, waxaana uu aaminsan yahay inay dhaawaceyso xulka qaranka England inuusan Premier League ka jirin fasaxa xilliga qaboobaha si la mid ah horyaalada kale ee waa weyn ee Yurub.

“Waxaad ciyaartaan kulamo aad u tiro badan, taas waa hubaal” ayuu Klopp u sheegay BBC Football Focus.

“Ma qabtaan waqti nasasho, koobab badan ayaadna ciyaartaan.

“Waxaan qabaa inay cid walba ogtahay inaysan sidaasi aheyn sida guul lagu gaaro.

“Cid walba ayaa aaminsan inay tahay in Roy Hodgson uu wiilashaan ku hogaamiyo koobka, waxaana ay heystaan ciyaartoy aad u fiican.

“Laakiin wax nasasho ah ma aysan helin muddo sannad ah. Kooxaha kale oo dhan waa ay heleen. Waad guuleysan kartaa laakiin waa ay adag tahay in sidaan koob lagu qaado.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close