Tababaraha Napoli oo sheegay in Lorenzo Insigne uu u qalmo Xulka Talyaaniga

Tababaraha Kooxda Napoli Maurizio Sarri ayaa shaaca ka qaaday in Ciyaaryahanka Lorenzo Insigne uu u qalmo in lagu daro Xulka Qaranka talyaaniga Ee lagaau naaneyso (Azzurri) kadib markii uu gacan weyn ka geystay Guushii Napoli ay ka gaartay Kooxda Torino .

Lorenzo Insigne iyo Marek Hamsik ayaa ahaa Dhaliyeyaasha Kooxda Napoli,Taas oo keentay in macalin Mairizio Sarri uu ku qanciyo laacibkiisa inuu u qalmo Xulka Talyaaniga.

Mairizo Sarri waxa uu sheegay inuusan faragashan doonin Go’aanka Tababaraha Xulka Talyaaniga Antonio Conte lkn uu Insigne uu u dhaliyay  Gool uu ku farxay.

Napoli ayaa imminka taagan Booska Seddexaad Kala Horeynta Horyaalka Seria A waxana ka horeeya Inter Milan iyo Fiorentina.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close