Tababare Arsena Wenger Oo Ka Hadlay Hadii Ozil Uu Ka Tagayo Kooxda Arsenal Bishaan Janaayo

Sida laga soo xigtey macalinka Arsenal ee Arsena Wenger, ciyaaryahan Mesut Ozil ayaa wuxuu yahay mid aanan ka tegi doonin kooxdiisa bishaan Janaayo, uuna ka qeyb qaadan doono soo kabshada kooxda qeybta labaad ee xagaagan.

Xidigaan heerka caalami ee qaranka Germany kaasoo uu ka dhacayo qandaraaskiisa dhamaadka xagaagan ayaa wuxuu awood uyeelan doonaa kadib arrinkaas inuu la xaajoodyo koox walba uuna si xur ah ku baxo.

Wenger ayaa wuxuu xaqiijiyey in Alexis Sanchez uu ku biiri doono Manchester United, ayna tahay mid dhici karta taasi, laakin wuxuu Arsena Wenger uu sheegay in Ozil, uu baaqi kusii ahaan doono Gunners-ka inta ka dhiman xagaagan.

Mar la weydiiyay Wenger hadii 29-sano jirkaan uu kooxda kusii nagaadi doono ilaa iyo bisha Febraayo ayaa wuxuu yiri: “Haa, dabcan.

Wuxuu sii raaciyay, mar la su’aalay xitaa hadii uu bixi karo bishaan Janaayo, oo uu furan yahay suuqa kala iisiga ciyaartoyda: “Maya, ma filayo.

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray maamulaha Arsenal, ayaa wuxuu yahay mid farxad u ah, taageerayaasha Arsenal, kuwaasoo hada ka walaacsan inuu ka tagi doono wiilkooda Sanchez, oo Man United ugu cad cadahay inuu aado.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close