Home » Falanqeynta » Tababare Luis Enrique oo laga doonayo garoonka Stamford Bridge ee kooxda Chelsea.

Tababare Luis Enrique oo laga doonayo garoonka Stamford Bridge ee kooxda Chelsea.

Naadiga kubada cagta ee Chelsea ayaa durbadiiba bilowday inay diirada saarato macalinkii u badali lahaa Antonio Conte haddii uu ka tago kooxda chelsea.

Isku dhac wayn ayaa ka dhex jira maamulka sare ee chelsea iyo tababaraha reer talyaani kaas oo salka ku haaya hab dhaqanka macalinka Conte.

Chelsea ayaa diirada saaratay tababarihii dhawaantaan katagay shaqada kooxda Barcelona ee Luis Enrique haddii uu baxo Antonio Conte sida ay baahisay football.

Waxaa jira warar sheegaya in Antonio Conte uusan la dhacsanayn nolosha magaalada London isaga iyo xaaskiisa, waxaana si wayn u doonaysa kooxda Inter Milan.

macalin Enrique ayaa sanado cajiib ah ku qaatay kooxda Barcelona laakiin wuxuu go’aansaday inuu katago si uu u sameeyo tijaabo cusub ee horyalada kala duwan ee qaarada yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*