Tababare Pep Guardiola Oo 13 Ciyaaryahan ka fasaxaya Man City, Yaa ka Mid Ah ?

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa qorsheenaya inuu 13 ciyaaryahan iska fasaxo marka uu dhamaado xili-ciyaareedkan. tababare Pep Guardiola oo aad uga carooday guul daradii kooxdiisu ay biday kooxda AS Monaco Ayaa hada ku fikiriya inuu ceyriyo 13 ciyaaryahan kuwaas oo uu u arko kuwa aan tayo laheyn.

hadaba 13-ka ciyaaryahan ee uu tababare Pep Guardiola doonayo inuu fasaxo waxey kala yihiin Gael Clichy, Bacary Sagna , Yaya Toure, Joe Hart, Eliaquim Mangala, Samir Nasri , Wilfried Bony , Fernando, Nolito, Jesus Navas, Fabian Delph Claudio Bravo iyo Pablo Zabaleta.

Si kasta kooxda Manchester City ayaa xagaagan ku jirta xaalad adag waxaana dhawaan laga soo cirib tiray koobka Uefa Champions League dhinaca kale kooxdan ayaa hada fadhisa kaalinta seddexaad ee kala sareynta horyaalka dalka ingiriiska ee Premier League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close