Tababare Zidane Ka Hadlay Bixitaanka Ronaldo Xilli Uu Sheegay War Lama Filaan Ah

Maamulaha Faransiiska, udhashay ee kooxda Real Madrid, Zidane, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inay rajeynayaa in Ronaldo uu kasii mid ahaado xilli ciyaareedka dambe, uuna guulo badan la gaaro.

Wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in CR7, uu xagaagan dambe kasoo muuqan doono Camaaliqadda dalka Spain, wuxuna carabka ku dhuftay in aysan jirin wax ku qasbi kara Ronaldo inuu ka tago Los Blancos.

‘Wuu naga sii mid ahaan doonaa waana rajeyneynaa sidaasi,’ Zidane, ayaa usheegay Shabakadda ESPN Mexico, wuxuuna hadalkiisa kusii daray in Ronaldo uu muhiim uyahay afkiisa Xagaaga dambe.

Ronaldo ayaa waxaa si weyn loo hadalhayay inuu ka tagayo kooxdiisa kadib markii ay soo baxeen eedeemo sheegaya inuu la dhuuntay canshuur islamarkaana uu wajihi doono wax lagu sheegay Maxkamadeyn.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close