Tababare Zidane Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Ku Aadan Joogitanka Real Ee Bale

Zinedine Zidane, Tababaraha Kooxda Kubadda cagta Real Madrid ee wadanka Spain, ayaa wuxuu sheegay inaanu qorshihiisa aheyn inuu iska iibiyo Laacibkiisa Gareth Bale, Shabakadda Marca ayaa warineysa.

Warkaan ayaa wuxuu daba socdaa iyado toddobaadkan ay soo baxayeen warar ku aadan in Bale laga dirayo Madrid, si boos loogu baneeyo da’yarka Shiishka usaaran Los Blancos ee Kylian Mbappe.

Tan iyo markii uusoo baxay warkaan ku aadan in Real laga dirayo Bale ayaa waxaa soo gaaray dalabyo waali ah, kuwaas oo kaga imaanayay Kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain.

Ugu dambeyntii, Macalin Zidane oo war cad kasoo saaray arinkaas, wuxuu ku dhawaaqay in Kooxda Cad Cadka lagu naaneeso aysan iska iibin doonin Wiilkeeda Xawaaraha sarre ku orda ee Bale.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close