Tababare Zidane Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Hadii Uu Go’aan Saday Inuu Iibiyo Isco

Iyadoo warbaahinta dalka Spain, ay aad u hadalheyso in maamulaha Real Madrid ee Zinedine Zidane, uu go’aan saday inuu iibiyo Isco ayaa waxaa arrinkaas wax laga weydiiyay isaga, ka hor kulanka La Liga ee Berri.

Ciyaartaan oo ay Real, la balansan tahay dhigeeda Real Sociedad, laguna ciyaari doono garoonka Madrid, ee Estadio Santiago Bernabeu, Berri oo Sabti ah ayuu Zidane qirtay inay tahay mid aad u adag.

Geesta kale, Arrinta Isco, ayuu garafka ku dhuftay hadalhayntii ku aadaneed inuu beecin doono xili ciyaareedka dambe, isagoona hoosta ka xariiqay inuu rajeynayo inuu wiilkaan reer Spain, uu baaqi kusii ahaado Boqorada La Liga.

Image result for Zidane and Isco

Wuxuu yiri: “Real Sociedad, waa koox wanaagsan, laakiin inaga waxaan rabnaa inaan dheelo kubad wanagasan – Kooxda naga soo horjeedana waa mid fiican – Kulankana wuxuu noqon doonaa mid aad u adag.

Mar wax laga weydiiyay arrinta Isco ayuu yiri: “Waxaan rabaa inuu Isco kamid ahaado kooxdeyda inta ka dhiman nolashiisana uu halkaan joogo.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waa ciyaaryahan wanaagsan, wuxuuna sameeyaa wax qabad wanaagsan – Fikradda ah inaan iibin doono waa been aan sal iyo baar nooa lahayn, mana jirto arrin ku saabsan iyada.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close