Home » Latest Sports News » Tabaraha Barcelona Oo Amaan Ugu Qubeeyay Kooxda Real Madrid Ka Hor Kulanka Super Cupka

Tabaraha Barcelona Oo Amaan Ugu Qubeeyay Kooxda Real Madrid Ka Hor Kulanka Super Cupka

Macalinka Kooxda kubadda cagta Barcelona, ee Ernesto Valverde  ayaa wuxuu sheegay in Real Madrid ay tahay koox weyn islamarkaana haysata xiddigo waa weyn, wuxuuna sheegay inay kusoo guuleysteen Koob weyn ka hor kulankaan.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa waxay caawa fooda isku dari doonaan kulan ka tirsan Lugta koowaad ee Koobka Super-coup-ka, dalka Spain, iyadoona kulankana uu ka dhici doono garoonka Barcelona.




Wuxuu sheegay in kulankii ay isku soo arkee kooxdaan ee ka dhacay Dalka Mareykanka uu ahaa mid saaxiibtinimo oo kale, wuxuuna sheegay in kan haatan uu ka adag yahay, wuxuuna sheegay inay usoo diyaar garoobeen.

Kulalankaan ayaa wuxuu soo dhici doonaa marka ay saacadda Geeska Afrika soo dul istaago 22:00, ama Afar saac oo habeenimo, waxaana labada kooxood xiddigahooda ay diyaa ruyihiin inay dheelan kulankaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*