Home » Africa » Tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir kulan ka tirsan oo galabta isku dhagan Xamar Weyn iyo Hilwaa

Tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir kulan ka tirsan oo galabta isku dhagan Xamar Weyn iyo Hilwaa

Degmooyinka kala ah Hilwaa iyo Xamar Weyn ayaa galabta ku balansan garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan kulan ka tirsan tartanka Dagmooyinka 2016-17.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan labadan degmo ayaa kawada tirsan Group B,Degmada Xamar Weyn kulankii ugu Horeeyay waxeey bar baro la soo gashay degmada Dharkenley kulankas uu ku soo dhamaaday 2-2.



Sido kale Degmada Hilwa ciyaartii ugu dambeysay waxeey guul muhiim ah ka soo gaartay degmada H/wadaag xili ay ugu soo awood sheegatay 2-1.

Kulan ayaa la ciyaari doona saacada markii tahay 3:00 oo galabnimo garoonka waa Jaamacadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*