Tartanka General Daa’uud oo galabta la ciyaari doono xili ay is wajahayan Heegan vs Elman

Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhici doona Garoonka Banadir Stadium kaa uu u dhaxeeya kooxaha Elman iyo Heegan waana kulan qeyb ka ah wareega Afar dhamaadka ee Tartanka General Daa’uud.
Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulankii ugu Dambeyay waxey la soo ciyaartay kooxda Banadir Sports Club kulan ku soo dhamaaday 4-2 ay guusha ku raacday Banadir balse Nasiib wanaag Heegan ayaa farqi goolal ku soo baxday halka kooxda Elman ay ciyaartii ugu dambeysay guul ka soo gaartay kooxda Cawo iyo Maalin.
Heegan ayaa sanadkii 2014-15 Final-ka tagtay wallow laga qaaday kooxdan waxaa ka fara maruujisay Naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed.
Ciyaartan waxaa ka maqnaan doona kooxda Heegan xidigaha kala ah Mahad Yare iyo C/raxmaan kuwaaso aroorsaday Jaalooyin.
Dhanka kale kooxda Elman waxaa ciyaartan Tarbuunka ka daawan doona xidiga khadka dhexe kooxda Xaajow kaaso isaga ugu maqan labo Jaalo.
Labadan Kooxod ayaa lagu tiriya kuwa ugu awooda Badan horyaalka dalkena Soomaaliya.
Ogeysiis Kulanka:
Tartanka: General Daa’uud
Kooxaha: Elman vs Heegan
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:00

w/Q: cabdifitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close