Theo Walcott Oo Qarka U Saaran Inuu Ku Biiro Koox Weyn Oo Ka Dheesha Premier League

Weerar yahanka Arsenal ee Theo Walcott, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu uga wareego Arsenal dhigeeda Everton, waxaana hada soconaya wada hadalo udhaxeeya labada dhinac

Wararka laga helayo caasimada UK, ee London ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in Everton ay wado dadaaladii ugu dambyeeyay oo ay Gunners-ka ugu qanciso inay kala wareegto wiilkeeda, bishaa Janaayo

Macalinka kooxda Everton ninka lagu magacaabo Sam Allardyce, ayaa xaqiijiyey in kooxdiisa ay kula jirto Arsenal wada hadal ku aadan sidii ay ula wareegi lahaayeen Walcott, isagoona diidey inuu meesha saaro in Gunners-ka ay ka diido iibkiisa

Wuxuu yiri: “Waxaad aad uga fog tahay xiisaheena ku aadan Theo, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in waqti xaadirkaan aan kula hadlayo ay socdaan wada hadalo ku aadan isaga iyo sidii aan ku heli lahayn.

Wuxu raaciyey: “Waa macquul inaan kusoo darsano liiskeena, waxaana dooneynaa inaan ku xoojino weerarkeena oo hada ah mid aad daciif u ah, waxaana sida iska cad aanku farxi doonaa hadii aan isaga helno.

Mar la weydiiyay hadii ay si amaah ay kusoo qaadanayaa Isaga aya wuxuu yiri: “Maba arko fursad aan ugu soo qaadan karno amaah sababtoo waxaaba heleynaa fursad aan kula soo wareegi karno si joogta ah.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close