Thierry Henry iyo Jamie Carragher oo soo xushay shaxda xilli ciyaaredka ugu fiican ee Horyaalka EPL-ka ilaa iyo haatan

Screen-Shot-2015-12-21-at-231021

Jamie Carragher iyo Thierry Henry ayaa shaaca ka qaaday kooxdooda xilli ciyaareedka ee ilaa iyo haatan.

Labada nin ayaa joogay istuudiyaha Sky Sports kulankii ay xalayto Arsenal garaacday Manchester City.

Theo Walcott iyo Olivier ayaa shabaqa u soo taabtay kooxda Arsene Wenger iyagoo cadeeyay inay tartan xoogan ugu jiraan hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Carragher iyo ninka martida ku ahaa barnaamijkiisa Monay Night Football (MNF) Henry ayaana soo xushay shaxdoodii ugu fiicneyd ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Inkastoo ay isku raaceen todobo boos oo ka mid ah 11ka, hadana waxaa jiray kuwa ay ka doodeen.

Seddexda xiddig ee Arsenal Hector Bellerin, Nacho Monreal iyo Mesut Ozil ayaa waxaa shaxda kula biiray xiddiga duurada ee Leicester City Jamie Vardy, Riyad Mahrez iyo N’Golo Kante.

Waxa ay sidoo kale soo xusheen Toby Alderweireld, iyadoo daawadayaasha Sky Sports fursad loo siiyay inay u codeeyaan boosaska soo haray.

Goolhayaha Stoke Jack Butland ayaa booska goolka ka galay goolhayaha Man United De Gea, halka daafaca Man United Chris Smalling uu isna booska daafaca kaga hormaray daafaca Arsebal Laurent Koscielny.

Sidoo kale waxaa khadka dhexe loo soo xushay Ross Barkley oo kaga hormaray Santi Cazorla, halka Alexis Sanchez loogu codeeyay shaxda isagoo ka hormaray Dimitri Payet,  taasoo ka yaabsatay Carragher.

“Taasi waa kaftan! Yaa u codeeyay Sanchez?

“Sidee ayuu Sanchez ku soo galay shaxda xilli ciyaareedka? Waan jeclahay isaga laakiin xilli ciyaareedkan wacdarro ma uusan dhigin.

“Waxaan qabaa in Payet uu wacdarro dhigay bilowgii xilli ciyaareedkan. Saameyntii uu ku yeeshay kulamadii Anfield iyo Emirates waxa ay ahaayeen kuwa muuqda.”

SHAXDA KOOXDA UGU FIICAN XILLI CIYAAREEDKA EE ILAA IYO HAATAN:

Jack Butland (Stoke); Monreal(Arsenal), Smalling (Man United), Alderweireld (Tottenham), Bellerin (Arsenal); Barkley (Everton), Kante (Leicester); Sanchez (Arsenal), Ozil (Arsenal), Mahrez (Leicester); Vardy (Leicester).

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close