TOP 10: Liiska 10 Xidig Ee Kooxaha Yurub Mushaarka Ugu Badan Ka Qaaray Oo Lasoo Saaray

Hogaamiye cusub ayaa la helay kadib markii suuqii Agoosto, ee sanadkaan uu dhacay isbedal weyn oo dhanka kala iibsiga ciyaatoyda ah, waana Neymar, oo 222 Malyuun, ugu biiray muqur weyn Faransiiska, ee PSG.

Kaliya, ma noqon xidigaan laacibka dunida ugu qaalisan, ee wuxuu xitaa noqday laacibka ugu badan ee Todobaadkii mushaar ka qaata Kooxaha waa weyn ee Yurub, asigoona Akoontiisa ay ku dhacdo £537,000 Malyuun.

Xidiga kusoo xiga ayaa wuxuu noqday Lionel Messi, oo qaata aduun dhan £500,000, Malyuun, kaalin aanan la fileyn kasoo muuqday Ronaldo, kaasoo ku jira kaalinta sedaxaad wuxuuna ka hooseeyaa Leo iyo Neymar.

Ronaldo oo ku guuleystay Jaa’izada xidiga aduunka ugu fiican afar jeer, ayaa wuxuu haatan uu ka dhacayaa qandaraaska uu Madrid, kula jiro dhawaan, isagoona kooxdiisa kula jira wada hadalo heshiis kordhin ah.

Balse, warar maanta soo baxayay ayaa waxay sheegayeen in wiilkaan uu yahay mid aanan ku faraxsaneen joogitaankiisa Madrid, islamarkaana uu diiday inuu kordhiyo heshiiskiisa, sida uu dhawaanba ka dhawaajiyay.

Hoos Ka Arag Liiska TOBBANKA Xidig Ee Kooxaha Yurub Ugu Mushaarka Badan:-
NeymarPSG537,000 m
MessiBarcelona500,000 m
Cristiano RonaldoReal Madrid365,000 m
Paul PogbaMan United290,000 m
Sergio AgueroMan City220,000 m
Eden HazardChelsea200,000 m
Philippe CoutinhoLiverpool200,000 m
Robert LewandowskiBayern Munich160,000 m
Mesut Ozil iyo Alexis SanchezArsenal150,000 m
Gonzalo HiguainJuventus130,000 m

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close