Home » England » Tottenham Hotspur Oo U Dhaqaaqday Saxiixa Laacib Karitsan Real Madrid,Waa Kee?

Tottenham Hotspur Oo U Dhaqaaqday Saxiixa Laacib Karitsan Real Madrid,Waa Kee?

Naadiga kubadda cagta dalka England ee Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay si weyn u xiiseeneyso saxiixa khadka dhexe reer Croatia iyo kooxda Real Madrid Mateo Kovacic, si xili ciyaareedka soo aadan ay qeyb kaga dhigato Ololaheeda khadka dhexe ay quudareeneyso koxoda reer England horyaalka Premier League.

Mateo Kovacic ayaa waxaa sidoo kale xiisaha uu u saarnaa oo si weyn lala xidhiidhinayay kooxaha dalka talyaaniga ka dhisan ee AC Milan, Roma iyo Juventus oo dhamaantood si weyn u doonayay saxiixa khadka dhexe reer Croatia.

Real Madrid ayaa u muuqata mid diyaar u noqoneysa iibinta Mateo Kovacic hadii ay dhacdo in laga soo gudbiyo aduun lacageed gaarsiisan ilaa iyo 25 million euros iyo in ugu dambeyn ay adeega xidigeedan ay kaga maarmi karto aduun dhan 20 million euros, maadaama ay sidoo kale Los Blancos xiiso weyn ka muujineyso saxiixa da’ayarka reer England iyo kooxda Tottenham Hotspur ee Dele Alli.

Mateo Kovacic ayaa kasoo muuqda safka kooxda Los Blancos kaliya marka uu dhaawac uu kaga maqan yahay xidigooda ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Luka Modric, wuxuuna inta ugu badan kaga soo muuqdaa kooxda tababare Zinedine Zidane kursiga dhibta badan ee keydka.

Si kasta Kovacic ayaa ciyaaray 16 daqiiqo oo kaliya 360kii daqiiqo ee ugu dambeysay ay Los Blancos ka ciyaartay dhamaan tartamada, waxaana daqiiqadahaas uu garoomada kasoo muuqday uu ahaa kulankii Eibar ay Real Madrid kaga adkaatay 4-1, wuxuuna dhamaan seegay kulamada kala ah Napoli, Real Betis iyo Athletic Bilbao.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*