Tottenham oo sheegtay in laacib aad u danaynayeen Real iyo Man City aanu iib ahayn

Tan iyo markii naadiga Tottenham ay kalasoo wareegtay laacib ka Dele Alli kooxda MK Dons sanadkii 2015 lacag gaaraysa £5million, ayaa 20-jirkaan waxaa uu ka midnoqday ciyaartoyda xirfadooda aad loola dhacay iyadoo dalab kaladuwan uga imaanayay kooxaha waa wayn ee reer Europe iyadoo ladul saaray lacag gaaraysa £50million.

Iyadoo la’ogsoonyahay in laacib kaan 6-sano oo heshiis ah u saxiixay kooxdiisa Spurs-ka September-tii lasoo dhaafay, qaar kamid ah kooxaha waa wayn ee reer Europe ayaa isku dayi doona sidii Tottenham ugu qancin lahaayeen in laacib kaan ay ka’iibiso.

Sida ay ku waramayso jariiradda Daily Mail kooxaha Real Madrid iyo Manchester City ayaa horay u soo bandhigay inay danaynayaan laacib kaan, balse naadiga Tottenham ayaa la’aaminsanyahay in ciyaaryahan kaan ayna iska iibidoonin xagaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, howlwadeenada Spurs-ka ayaa ku kalsoon in laacib kaan sii jooge doono ilaa iyo xili ciyaareed ka danbe.

Warbixintaan ayaa sidookale siinaysa tababaraha Tottenham in uu qorshe u dijiyo suuqa kala’iibsiga si ciyaartoy ula soo wareego islamarkaana uuna ka walwalin qarashaadka baxaya.

Waxaana naadiga Spurs-ka horaanba ay bilaabeen qorshohooda ku aadan suuqa kala’iibsiga iyadoo howshaa loo idmay ninka dhawaantaan loomagacaabay madaxa shaqaalaynsiinta kooxda Steve Hitchen in uu suuqa kasii raadiyo ciyaartoy waxgal ah.

Tottenham ayaa lala xiriirinayay in ay u dhaqaaqi doonto laacib ka Crytal Palase ee Wilfried Zaha kaa oo la sheegayo in uu kubiiri karo kooxaha Premier League ka ciyaara.

Dhanka kale Daily Mail ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda Spurs-ka sidoo kale doonayaan inay lasoo wareegaan daafaca dhexe ee kooxda Middlesbrough ee Ben Gibson.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close