CR7 Oo Ka Hadlay In Xagaagan Ay Qaadi Karaan UCL & Sida Uu Arko Inay Ku Aadan Man Utd

Isagoo la hadlyay wariyaasha kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay xalay la dheeleen kooxda kubada cagta Dortmund, kaasoo kusoo dhamaaday 3-2, oo ay ku badisay Madrid, ayaa waxaa Ronlado, uu amaanay xidigaha kooxdiisa.

Ronaldo, ayaa waxa uu dhaliyay kulankaan hal gool, waxaana goolkaas uu ka dhignaa inuu yahay kiisii Sagaalaad, oo uu xili ciyaareedkan uu ka dhaliyo tartanka Champions Leageue, waxaaan uu sameeyay rikoor aanan horey loo dhigin.

CR7 oo kulankaan kadib la hadlayay wariyaasha ayaa waxa uu yiri: “Waxaan ku farax san nahay qaabka aan dheelnay, waxaana filayaa inaan tahay kuwa ku guuleysan doono markii labaad xagaagan.

“Hadafkeena, waa inaan ku guuleysanaa koobkaan, waxaana filayaa inaan sameyn doono,” ayuu hadalkiisa kusii daray wiilkaan Portugal kasoo jeeda:- kaasoo gool qurux badan ka dhaliyay kooxda Dortmund.

Mar uu ka hadlayay in mudooyinkii dambe uusan dhalin goolal, islamarkaana la sheegayay in koobka Champions League, uu yahay koobka uu jecel yahay inuu gool ka dhaliyo, ayaa waxa uu xaqiijiyay arinkaas.

Wuxuu yiri: “Waa tartanka kaliya ee aan jeclahay inaan dheelno, waana iska cad inaan jecel yahay inaan ka dhaliyo goolal, waana dhalin doonaa goolashaas, waxaaan ku farax san nahay sida aan udheelnay.

Isagoo ka hadlayay sidoo kale, inay ku aadi karaa isku aadka koobkaan, kooxdiisii hore ee Manchester United, ayaa waxa uusan si toos ah uusan uga jawaabin wiilkaan:- waxaana uu balanqaaday inuu caawin doono kooxdiisa.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close