UEFA Oo Xaqiijisay In Aan Cabashada Mourinho Loo Hakin Doonin Kulanka Rostov

Xiriirka kubbadda cagta ee UEFA ayaa xaqiijisay in kulanka Manchester United ee Europa League ay ku dhaceyso kooxda FC Rostov, kaasoo uu cabasho ka keenay macallinka dalka Portugal. Jose Mourinho ayaa doonayay in la joojiyo oo meel kale loo weeciyo ciyaarta wareegga 16-ka taasoo uu sheegayo in uusan u qalmi qabashadeeda garoonka Olimp-2 stadium ee ay ku ciyaarto kooxda Rostov.

Mourinho ayaa daaha ka qaaday in Olympic Stadium oo ku yaalla Beijing, oo ay ku baaqatay ciyaar xiiso laheyd oo ay fasaxii xagaaga la qaadan lahaayeen kooxda Manchester City uu ahaa midka mudan kulankaas. Balse UEFA ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin in kulankan dib loo dhigo.

Qoraal ay soo saareen xiriirka ayaa u qornaa sidan: “Waxaa garoonku uu u diyaarsanyahay qabashada kulankaas markii saraakiisha ciyaarta qabaneysa la geeyay garoonkaas Arbacadii. “Meesha lagu ciyaari doono ma aha middii ugu fiicneyd ee lagu ciyaari lahaa oogo ahaan, balse waa meel lagu dheeli karo. Kulanka ayaana qabsoomi doona.  “Weli wey adagtahay in kulankaas lagu ciyaari karo meeshaas Khamiista,” waxaa yiri Mourinho. “Waxaan ogahay in aan heysano kulan fiican, balse aadbey u adagtahay in halkan lagu ciyaaro – halkan garoon looguma yeeri karo.

Si kasta sheekadaan ayaa hadda u baahnaan doonta ka fakaridda in garoonka uu yahay mid wanaagsan, balse macalinkaan ayaa qaba inuu ka mid yahay kii China ee Manchester City ay ka diideen inay kula ciyaaraan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close