“Uma Qalanto UCL” – Luis Figo Oo Ku Tuntey Koox Weyn Oo Premier League Ka Dheesha

Halyeeygii hore ee kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, wiilka lagu magacaabo Luis Figo oo wariyaasha la hadlayey ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Liverpool ay tahay mid aanan uqalmin ka dheelista Champions League.

Liverpool ayaa kamid ah liiska kooxaha reer England, ee sanad ciyaareedka ka qeybgaleysa Champions League, iyadoona joogta wareega 16-ka ee Champions League, waxayna ku aadan tahay kooxda FC Port, ee dalka Portugal.

Figo ayaa wuxuu ugu baaqay Kooxda Reds in marka ay ka qeybgalayaa Champions League ay awood gooni ah ay lasoo baxaan, isagoona hadii aysan taasi helin sheegay in waligooda hooseyn doonaa.

Wuxuu yiri: “Marka la joogo, Champions League illaa iyo hadda waxay sameynayaa wax wnaagasan, waxay soo bandhigayaan cadaadis fiican, kubad wanaagsan, dhaqaale wanaagsan, dabcan taasina way caawin kartaa.

Wuxuu sii raaciyey: “Laakiin, marka aad eego mararka qaarkood uma qalmaa inay dheelaan tartan weyn sida Champions League, sababtoo ah qaladaad aanan loo baahneen ayay sameeyaan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Aan wada aragno waxa dhaca dhamadka tartanka [Champions League] laakiin ilaa iyo haatan waxay sameynayaa wax dhab ahaantii aad u fiican, oo soo jiidasho leh.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close