United oo kusoo biirtay saxiixa xiddiga Leicester City Riyad Mahrez

stoke-leicester-mahrez

Riyad Mahrez oo xili cayaareedkan kusoo baxay laacib hormuud u ah naadiga Leicester City una suura galiyay inay kooxdan hogaamineyso horyaalka England ayaa la sheegay in kooxaha Man United iyo Tottenham xidigan saxiixiisa ku loolamayaan.

Warbixin cusub oo ay qortay Daily Mail ayaa lagu sheegay in kooxda Leicester City ay walaac xoogan ka qabto qorshaha ay wadaan Man diyaarna uma noqon doonto Leicester inay lumiso laacibkan laga daba dhacay.

Riyad Mahrez ayaa xili cayaareedkan naadiga Leicester u dhaliyay 14-gool wuxuuna ka mid yahay xidigaha xili cayaareedkan EPL ugu wanaagsan laacibkan u dhashay dalka Algeria.

Riyad Mahrez waxaa lagu qiimeeyaa 20-milyan oo pound waana qiimo lacageed oo ay kooxda Man United bixin karto sidoo kalena xidigan wuxuu United ka caawin karaa dhibaatada ka heesato dhanka dhalinta goolasha.

Dhinaca kale daafaca dhalinta yar Ben Chilwell ee naadiga Leicester City haatan amaahda kaga maqan waxaa isku heestaan naadiyada Liverpool iyo Chelsea.

Ben Chilwell oo 19-jir ah ayaa qaab amaah kula joogo kooxda Huddersfield Town ee heerka labaad wuxuuna sameenayaa hormar aan caadi ahayn waana sababta keentay in Liverpool iyo Chelsea xidigan isku qabsadaan saxiixiisa.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close