Van Gaal oo si layaab leh ula hadlay ciyaar yahanada iyo masuuliyiinti isugu timid qadada shalay ee kooxda Man United, maxuusa yiri?

Van Gaan on Chrismas

Macalinka cadaadisak badan saaran yahay ee  Van Gaal ayaa qudbad layaab leh oo uu isku dayayay inuu taageero uga helo ciyartooydisa iyo maamulka kooxdiisa ka jeediyay qadadii Christmas-ka ee ay kooxdiisa isugu timid shalay galab.

Daily Mail iyo Daily Star oo labadaba soo kala xiganaya ilo ka tirsan Old Trafford macalinka ree Holland ayaa u sheegay ciyaartooyda kooxdiisa iney is dhiiro galiyaan oo aay aaminaan iney yihiin wiilashii qaab ciyaareedk fiican ku bilowda horyaalka laakin uu haatan nasiibka ka hiiliyay.

Star ayaa tiri “Waxaa la fahansan yahay in dad ka badan 200 ay u sacab tumeen Van Gaal markii uu hadal layaab leh jeediyay ka hor intii uusan fariisan“.

Inkastoo aan la soo wada tbin hadalka layaabka leh hadana Van Gaal ayaa dadkii qadada isugu yimid ku yiri  “Waxaan nahay Manchester United waana badbaadi doonaa lakin waa inaan wadajir ahaanaa oo aan garbaha isqabsanaa“

Laakin Daily Mail ayaa sheegeysa iney ciyartooyda kooxda lahjad u gaar ah ay sameysteen si ay isugu sharaxaan waxa ay doonayaan iney ka hadlaan maadaama uu yaqaano ingiriiska iyo Spainshka oo aan lagu xaman karin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close