Varane Oo U Qishay Xidigaha Real Sida Ku Joojin Karaan Neymar, Mbappe & Cavani Kulanka UCL

Daafaca Real Madrid, ee Rafael Varane, oo ka hadlayay kulanka ay Champions League ku wajihi doonaa Isbuucaan gaara ahaan Arbacadda, ayaa sheegay in kulankaan uu udhaxeeyo labo koox oo fiic-fiican.

Wiilkaan reer France oo wariyaasha la hadlayay kadib ciyaartii ay 5-2 ay ku dhufteen naadiga Real Sociedad ayaa sheegay inay diyaar uyihiin inay iska difaacaan weeraro walba oo uga yimaada PSG.

Wuxuu ka dalbaday ciyaartoyda kooxdiisa in si wada jir ah oo waliba xoogan ay uga hortagaan Neymar, Mbappe iyo Cavani, oo la rumeysan yahay inay tahay halista ugu badan oo ay wajahayso Madrid.

“Waa kulan qaas ah, maxaa yeelay wuxuu udhaxeeyaa labo koox oo fiic-fiican, ciyaatoyduna waxay yihiin kuwa aad ujecel inay kasoo muuqdaan ciyaartaan,” ayuu Varane, yiri kadib xasuuqii Real Sociedad.

Mar uu ka hadlayay qaabka ay ku joojin karaan Neymar, Mbappe iyo Cavani, ayuu yiri: “Kaliya waa inaan ku wajahnaa anigoo wada socna, oo xoog badan, maxaa yeelay waxay haysataa PSG, ciyaartoy xoog badan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Marka, kulanka waa mid adag, waana ciyaar uu qof walba xiiseynayo inuu daawado, waxaan ubaahan nahay [hadii ay Real yihiin] inaan udheelno sidii aan udheelnay ciyaartii [Real Sociedad].

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close