Villarreal Oo Santiago Bernabéu Guul Daro Xanuun Badan Ku Gaarsiisey Real Madrid [Sawiro]

Gool yimid waqtigii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayaa waxay kaga heshay kooxda Villarreal labinta guusha dhigeeda Real Madrid, kadib markii ay la dheeshey kulan ciyaareed xiiso badan oo horyaalka La Liga ka tirsan.

Kulankaan oo ka dhacay garoonka caasimada Spain, ee Madrid, ku yaala ee Santiago Bernabéu, ayaa wuxuu ahaa mid labada kooxood ay weerar iyo weerar celis ay isku qaadeen labada qeybood ee ciyaarta.

Qeybta koowaad Madrid ayaa waxay ahayd mid celcelis ah, waxaana ay ku qaadayeen wiilasheeda shabaqa kooxda Villarreal weeraro halis, waxaana marar beegsadey shabaqa Cristiano Ronaldo.

Laakiin uma aysan suura gelin Ronaldo inuu shabaqa soo taabto, waxaana qeybta koowaad lagu kala baxay Bareejo goolal la’aan ah.

Markii dib leyskugu soo laabtey ayaa waxay abuureen xidigaha labada kooxood fursado badan, kuwaasoo ay ku doonayeen inay ku helaan natiijada kulanka.

Iyadoo ay ciyaartu kusoo dhawaatey dhamaad, islamarkaana leys lahaa, ciyaar waxay kusoo dhamaan doontaa Bareejo ayaa waxaa gool heshay Villarreal.

Goolkaan ayaa wuxuu ka yimid xidiga lagu magacaabo Pablo Fornals, wuxuuna ahaa goolkiisa midkii Aamusiyey Taageerayaashii Bernabéu, fadhisey.

Pablo Fornals scored a later goal to seal Villarreal's first ever league victory against Real Madrid, causing pressure on Zidane to increase.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa wuxuu kusoo dhamaadey 1-0, oo loogu awood sheegtey Real Madrid, waxayna ka dhigan tahay in hada ay ka hooseyso Barcelona 16 hadii ay Berri badisana laga sareyn doono 19 Buundo.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close