Arsenal Oo Lacag Fara Badan Macalinkeeda Usiineysa Kalliya Hal Arin, Maxay Tahay?

Kooxda Kubadda Cagta Arsenal ayaa waxa ay Xilli ciyaareedka dambe rajeyneysaa inay Isbedal weyn uu sameeyo Macalinkeeda kadib markii ay ukordhisay Qandaraaska uu kusii joogayo kooxdaan Xagaaga dmabe.

Sida laga soo xiganayo Majaladda Daily Star, ee kasoo baxda wadanka Ingiriiska kooxdaan ayaa waxa ay faraqa ugu shubi doontaa Tababarajeeda Arsene Wenger aduun lacageed gaaraya £150 million, taas oo suuqa ku galli doono.

Ujeedka ayey Majaladdaan ku sheegeysaa inuu keeno Naadiga keeno Xiddigo bandhig wanagsan sameeya, islamaraana guullo wax ku ool ah gaarisyay kooxda ka dhisan Woqoyga Magaalladda London.

Laacibiinta illaa iyo hadda la ogsoon yahay in Wenger oo shiishka ku hayo ayaa waxa ay kala yihiin Kylian Mbappe iyo Riyad Mahrez, kuwaas oo hadii uu keeno kooxda qaab ciyaareedkeeda laga dareemi doono isbedal buuxa.

Sidoo Kale, Waxa ay lee dahay Majaladda wax yaabaha looga fadhiyo Macalimuu Arsena ay kamid yihiin inuu kooxda kasoo qeybgali siiyo Koobka Dhaga-weyne, kaas oo ay seegeen Xagagan kadib markii ay loolanka Horyaalkaay ku dhameysteen Kaalinta shanaad.

Dhamaan markii leysku soo uruuriyo shaqooyinkaan aan soo xusnay iyo kuwa kale oo aan ka tegnay ayaa waxaa looga baahan yahay Macalinka Kooxda Arsenal inuu ka qabto Garoonka Emirates, xilli ciyaareedka dambe, hadii uu doonayo inuu sii joogo Garoonka Arsenal.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close