Wajiga koowaad horyaalka kubadda koleyga oo lasoo gabo gabeeyay +SAWIRRO

Kooxda kubadda Koleyga Heegan ayaa u awood sheegatay dhigeeda I.L.S oo garoonka Wiish ay ku wada ciyaareen kulankii ugu danbeeyay qeybtii koowaad ee horyaalka kubadda koleyga.

kulanka oo aha kulanki ugu dambeeyay wareega hore ee horyaalka ayay labada koox ku loolamayeen   kooxdii la wareegilahayd hogaanka horyaalka, waxaana dhanka kale loodhigay koobka lagu maamuusay marxuumiintii isbooortiga soomaamushay ee iyagoo howlahooda kujira naftooda ku waayay, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga , guddiga olombikada soomaaliyeed, Madxaada xiriirada , CIyaartooy hore iyo taageerayasha labada koox oo garoonka soo buux dhaafshay.

Labada koox ayaa dardar kusoo galay garoonka iyadoo ka muuqdeen xiddigo ku cusub abada dhan oo ay kusoo shartageen waxayna ciyaarto noqotay in aad isgu dhawaadaan hogaanka ciyaarta ilaa laga gaaro daqiiqadihi ugu dambeeyay oo ay Heegan hogaanka la fogaato.

Ugu dambeyn Kooxda I.L.S ayaa uruursatay 60 dhibcood halka Heegan ay la timid 65 dhibcood si hogaanka ay keli ugu noqoto.

Waa guuldaraddii ugu horeysay oo soo gaartay kooxda I.L.S oo han weyn ka leh hanashada horyaalka, hayeeshee Heegan oo daafacaneysa horyaalka ayaa dareensiisay kooxdii ka hor timid inay ka ka awood badan tahay

Cayaartan sidoo kale labada koox waxaa dhexyaalay koob loogu magac daray Xusuusta Murxuumiintii Isboortiga dalka.

Kulankana waxaa u soo daawasho tegay Cayaartoy hore iyo masuuliyiin kala duwan.

Gebagabadiina Shamso Cabdulle Butugeey oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Gacanta ayaana Heegan ku abaalmarisay koobkii dhexyaalay labada kooxood maadaama labo jeesto iyo hal personel ay ku lagaday I.L.S.

Cali Maxamed Aadan ‘Barawiini’ ayaana loo gartay inuu ahaa xiddigii garoonka.

IMG_7422IMG_7429IMG_7450IMG_7455IMG_7463IMG_7473

Related Articles

3 thoughts on “Wajiga koowaad horyaalka kubadda koleyga oo lasoo gabo gabeeyay +SAWIRRO”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close