Wakiilka Gareth Bale Oo Ka Hadlay Hadii Xidigaan Uusan Ka Faraxsaneen Real & Inuu Bixi Doono

Image result for Jonathan BarnettDulaalka laacibka Real Madrid, ee Gareth Bale, ninka lagu magacaabo Jonathan Barnett, ayaa sheegay in xidigaan uu ku farax-san yahay kooxdiisa, islamarkaana uusan meelna uga socon Boqoradda La Liga.

Warbixno ay baahinayeen warbaahinta dalka Spain, ayaa waxaa lagu sheegayay in garabka duula ee qaranka Wales, uu rabo inuu ka bedasho Madrid, xili ay aad ugaarsaneyso sida la sheegay Man United.

Laakiin, Barnett, ayaa wuxuu cod dheer ku beeniyay warkaas, isagoona sheegay in Bale, uu aad ujecel yahay Madrid, uuna baaqi kusii ahaan doono inta ka dhiman Xirfadiisa iyo guud ahaan heshiiskiisa.

“Wuxuu jecel yahay Real Madrid, waaan uu jecel yahay Madrid, waana ciyaaryahan had iyo goor Real Madrid ah,” ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay Majaladda Tuttosport, ee kasoo baxda dalka Talyaaniga.

Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan xasuustaa markii uu Florentino Perez [Madaxweynaha Real] uu nala soo xiriiray uu isagaba ahaan [Bale] mid aad udanoonayay udhaqaaqista Madrid, marka ma jiraan wax dhibaato ah.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Wuxuu ku dhawaa inuu ku biiro marka hore Koox Talyaani ah, laakiin Spurs [ama Tottenham] ayaa dhankaan dalabkaas diiday, isagana waa uu ku raacay maxaa yeelay ma uusan xiiseyneen.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close