Wakiilka Ronaldo Ka Xog Waramay Wararka Sheegaya In Xidiga Real Uu Lunsaday Lacag

Wakiilka joogdheeraha Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo, ninka lagu magacaabo Jorge Mendes, ayaa waxa uu soo bandhigay Muuqaal muujinaya in been abuur ay tahay wararka sheegaya in Ronaldo, uu lunsaday lacago cashuur ah.

Isagoo shir jaraa’id u qabtay Magalada Porto ee wadanka Portugal, ayaa waxa uu sheegay Mendes, in laacibka Los Blancos, uu yahay mid ka madax banaan eedeymaha ay usoo jeediyeen xeer-illaalinta wadanka Spain.

Ronaldo ayaa waxa uu kasoo muuqday maxkamad, kadib hay’adda dhanka canshuuraha uqaabilsan wadanka Spain, ay sheegtay inuu lunsaday xidigaan aduun dhan 14 Malyuun oo canshuur, inkastoo uu beeniyay.

Laakiin, hadalkaan kasoo yeeray wakiilka CR7 ayaa waxa uu yahay mid sii ayidaya beeninka Ronaldo, kaasoo caawa kasoo muuqan doona xafladda lagu bixinayo laacibka aduunka uu fiican ee Ballon d’Or.

Ronaldo ayaa waxa uu yahay midka ugu cad inuu hanto biladaan waxaana la filayaa inuu ku garaaco Lionel Messi, oo kula dagaalamaya, waxaana sidoo kale, tartanka kula jira Neymar Jnr, oo PSG, udheela.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close