Walcott Oo Ka Hadlay Ku Biiristiisa Everton, Sababta Uu Ku Doortey & Waxa Uu Rajeynayo

Theo Walcott oo wareysi siinyey Website kooxdiisa cusub ee Everton ayaa wuxuu sheegay in sababta uu doortey ku biirista Everton inay tahay koox leh Taariikh badan, islamarkaana uu aad ugu farax-san yahay.

Laacibkaan ayaa wuxuu Arsenal uga yimid aduun lacageed dhan 20 Malyuun, isagoona qalinka ku jiidey heshiis gaaraya Sadex sano iyo Bar, kaasoo dhamaanaya sanadka 2021, isagoona qaadan doona mushaar badan.

Wuxuu yiri: “Aad ayaan ugu farax-sanahay inaan kusoo biiri kooxdaan, waxaana rajeynayaa inaan uriixo heer labaad.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxa aan halkaan u imid, waxay tahay in kooxdu ay tahay mid Taariikh badan oo kusoo guuleysatay koobab badan.

Video thumbnail for Exclusive: Theo Walcott's First Interview

Wuxuu sii daba dhigey: “Marka koobabkaas ay soo qaadey ayaa waxaan rabaa inaan kasii badiyo oo aan anna kula guuleysta kooxda koobab kale.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: “Ciyaartoyda hada joogta iyo kuwa imaan doonta waxaan rabaa inaan kala shaqeeyo sidii ay horumar usameyn lahaayeen.

“Inaan halkaan yimaado waxaan u arkay meesha ugu wanagasan ee aan ku horumarin karno xirfadeyda oo aan uga sii gudbi karo heerka labaad.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Taageerayaasha Everton dhamantooda waxaan rabaa inaan usheego inaan diyaar u ahay inaan kula guuleysto koobab oo aan qada gaarno horumar badan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close