Walcott Oo Shaaciyey Sababta Uu Arsenal Uga Soo Tegay & Shaqsiga Uu Halkaas Ka Joogi Waayay

Xidigii hore ee Arsenal, misana shalay oo Arbaco ahayd ku biirey naadiga kubada cagta Everton ee dalka UK, ayaa wuxuu sheegay in sababta uu uga soo tegay Arsenal ay tahay inuu ka waayey fursado badan oo uu ku dheelo.

Isagoo wareysi siinayay Everton Tv, ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in macalin Wenger uu yahay shaqsiga uu ka joogi waayey Arsenal, sababtoo ah ayuu yiri: “Imi uusan siinin fursado aan halkaas ku  joogo”.

Walcott ayaa waxaa looga iibsadey Arsenal aduun lacageed dhan 20 Malyuun oo Yuuroo, isagoona loo xiri doono sida la rumeysan yahay Lamberka 14-aad ee kooxda kubada cagta, kaasoo uu Gunners ka qaadan jirey.

Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay: “Aad ayaan ugu farax-sanahay inaan kusoo biiro kooxdan [Everton] oo leh Taariikh badan oo wanagasan, misana ku guuleysatay koobab, kuwaasoo aan rabo inaan anna aan kula guuleysto.

Wuxuu yiri, mar la su’aalay sababta uu Gunners, uga soo tagay: “Taasi waa wax iska cad, sababtoo ah, macalinka ayaa wuxuu yahay mid aanan isiinin fursado badan oo aan ku dheelo, marka wax kale ma jiraan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Iyaga [Arsenal] iyo taageerayaasheeda waxaan urajeynayaa horumar iyo guulo badan, aad ayaana ugu qanacsanahay inta aan lasoo shaqeeyay ayaana iigu filan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close