Waqtiga Uu Tijaabadda Caafimaadka U Marayo Barca Saxiixeeda Cusub Ee Paulinho Oo Lasoo Bandhigay

Naadiga Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay lasoo wareegtay xiddiga khadka dhexe kaga dheela ee  Paulinho, iyadoona uu ku yimid naadigaan aduun dhan 40 Malyuun, wuxuuna saxiixi doonaa afar sano oo qandaraas ah.

Wiilkaan oo 29-sano jir ah, ayaa waxaa la filayaa in camaaliqada dalka Spain, uu Tijaabadda caafimaadka umar Maalinka Khamiista ah, ee fooda nagu soo haysa, isagoona kasoo degi doono Magaalada Barca.

Xiddigaan ay lasoo wareegto Barca ayaa waxay sheegayaan Qolyaha wax falanqeeyaa inay ka dhigan tahay in Khadka dhexe ee Naadigaan uu noqon doono mid aan lagu deg degi karin, oo awood ayuu yeelan doonaan.

Paulinho, ayaa wuxuu bedal wanagsan unoqon doonaa Xiddiga Andres Inieasta, kaasoo naadigaan mararka qaarkood laga fariisiyo maadaama ay ka dabi timid da’da, islamaraana uu noqday mid Qaarow ah.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close