WAR CUSUB: Barca Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gashay Mid Kamid Ah Xidigihii Ay Aadka U Dooneysa

Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa waxay heshiis shaqsi ah ay la gashay weeraryahanka naadiga Atletico De Madrid, ee udhashay wadanka Faransiiska, ee lagu magacaabo Antoine Griezmann, sida ay sheegayaan wararka.

Griezmann, ayaa wuxuu kamid ahaa ciyaartoyda ay aadka ay u doon dooneysa Blaugrana guud ahaan sanadkaan, waxaana ay ku sigatay inay soo gaba gabeyso heshiiskiisa bishii Agoosto, markaas uu furnaa suuqa.

Balse, Majalada Le 10 Sport, oo kasoo baxda dalka Faransiiska, ayaa sheegeysa in Barca, ay heshiis shaqsi ah ay lagashay Griezmann, sidaas darteeda, uu wiilkaan ka dheeli doono xagagaa dambe garoonka Camp Nou.

Barca ayaa waxay ku garaaci doontaa heshiiska wiilkaan, kooxda Manchester United, taasoo ahayd mid aad u baadi goobeysa laacibkaan, islamarkaana isku deyday dhowr jeer, inay lasoo saxiixato.

Sidoo kale, Real Madrid, ayaa qeyb ka ahayd kooxaha xiiseenaya wiilkaan, waxaana haatan dhamaantooda ka dulqaaday Barca, sida ay warineyso Le 10 Sport, waxayna leedahay xagaaga dambe, ayuu xeran doonaan maaliyada Barca.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close