Home » France » WAR CUSUB: Mbappe Oo Shaaciyay Kooxda Uu Rasmi Ahaan Doonayo Inuu Ku Biiro

WAR CUSUB: Mbappe Oo Shaaciyay Kooxda Uu Rasmi Ahaan Doonayo Inuu Ku Biiro

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta AS Monaco iyo xulka qaranka Faransiiska Kylian Mbappe, ayaa waxa uu go’aan kama dambeys ah ka gaaray Mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan casimadda Labaad ee Faranca, sida ay sheegeyso Marca.

Waxaa laga soo xiganayaa Jariiradadaan oo kasoo baxda wadanka Spain, in xiddigaan uu doonayo inuu ku biiro kooxda Los Blancos, islamarkaana uu go’aan saday ku biiradda Kooxda ugu guulaha badan Yurub.

Laacibkaan ayaa waxaa uu kamid yahay xiddigaha sida weyn looga baadi goobayaan suuq kala iibsiga ciyaaryahadda, waxaana doon doonayaa kooxaha waa weyn ee Qaaradda Yurub.

Kulan uu 18-sano jirkaan la yeeshay Milkiilaha kooxdiisa ayaa waxaa la sheegayaa inuu usheegay inuu doonayo inuu ku biiro Madrid, islamarkaana uusan ka laaban doonin go’aanka uu qaatay.

Kylian Mbappe

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*