WAR CUSUB Oo Kusoo Korodhay Isbitaalkii Loola Cararay Xiddigii Ka Tirsanaa Naadiga Real Madrid

Waxay noqotay mid lama filaan ah kadib markii Laacibka khadka dhexe kaga dheela Naadiga Real Madrid, ee Dani Caballos, loola cararay Isbitaal. Iyadoona haatan la sheegayo in laga soo saaray Cusbitaalka, islamarkaana ay xaaladiisu tahay mid caadi ah.

Xiddigaan khadka dhexe ka ciyaara ayaa wuxuu ka dhaawacmay Qoorta, iyadoona uu ku dhawacmay kulan uu dalkiisa Spain, la dheelayay qaranka Talyaaniga, gaara ahaan ciyaaryahanada ay da’doodu ka yar tahay 21-sano jiradda, kaasoo dhacay Habeenimadii Jimcaha.

“Shaqsiga Spanish-ka ah ee lagu tilmaamay inuu yahay xiddig a tirsan laguna magacaabo  Dani Ceballos, wuxuu la dhibaatoonayaa murgacashada afka ilmo galeenka ah, wuxuu sugayaa qiimeyn dheeraad ah 48-ka saacadood ee soo socda,” ayaa lagu yiri war laga soo saaray xaaladiisa caafimaad.

Laacibkaan ayaa wuxuu Madrid dhawaan kaga soo dhaqaaqay Kooxda Betis, isagoona lagu soo iibsaday aduun dhan 16.6 Malyuun, waxaana kulankaan uu ahaa midkii lagu kala baran lahaa, iyadoona taageerayaasha Los Blancos ay dhaawacaana aad ula yaabeen.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close