Barca Daafaceeda Gerard Pique Oo Si Dirqi Ah Kaga Badbaaday Shil Gaari: Sawirro

Wararka ka imaanaya wadanka Qadar ayaa waxay sheegayaan in xiddiga Gerard Pique, oo ku sugan wadankaas uu ka bedbaaday shil gaari ama Mooto, isagoo ku kuda jiray damaashaadka maalmaha fasaxa.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaa inaanu jirin cid wax ku noqotay Shilkaan, waxaana Mootadda uu saarnaa oo ay mareysay dhulka saxaraha ah ee dalkaas, waxaana la socday hal qof oo kalliya.

Laacibiinta Sergio Busquets iyo Jordi Alba, ayaa waxay kula sugan yihiin wadankaas, iyadoona halkaas kaga qeybgalaya, kulan casuumaad ah, kaas oo lagu marti qaaday xiddigaha Kooxda Barcelona.

Gerard Pique iyo asxaabtiisa ayaa waxay kusoo laaban doonaa Magaalladda Barcelona ee wadanka Spain, toddobaadyadda soo aadan, waxaana ay bilaabi doonaa Tababarka xagaaga cusub leyskugu diyaarinayo.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close